7-qof oo ku Dhimatay Dagaal Beeleed ka Dhacay Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud

0

Inta la xaqiijiyay 7-ruux ayaa ku dhimatay 20-kalana  way ku dhaawacmeen kaadib markii uu maanta dagaal xoogan uu deegaanka Xiim-cadde oo hoos yimaada degmada Ceel-buur uu ku dhexmaray labo meeleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Dagaaladaan oo ay ku dhinteen in ka badan labaatan qof, ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana dagaalkii maanta oo soo gaaray gabal-dhicii ku dhimatay toddobo qof, iyadoo labaatan kalana ay ku dhaawacantay.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur  ee dowlada Soomaliya Korneyl Nuur Xasan Guutaale, oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Maamulka Al-shabaab in ay hurinayaan dagaalka ka dhacay deegaanka xiimcadde oo Hoos yimaada degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojyo dagaalka maalintii sedaxaad ka socda deegaanka Xiim-cadde oo hoos yimaada degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Dhulka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here