Ex Xildhibaan Bucul  oo Ka Hadlay Sababaha ku Kalifay Ex Xildhibaan Saalax Badbaado in uu ku Biiro Al-shabaab

0

Kadib markii ay al-shabaab sheegeen in Ex Xildhibaan Saalax Badbaado uu kamid ahaa shaqsiyaadkii isku qarxiyay meel ku dhow xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa arintaas waxaa ka hadlay Ex Xildhibaan Yaasiin Maxamed Bucul oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaankii KMG ahaa dowladii Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Ex Xildhibaan Yaasiin Maxamed Bucul, ayaa ku waramaaya in Saalax Nuux Ismaaciil ku biiristiisii Al Shabaab, ay ka dambeysay markii niman qaraabadiisa oo Shabaab ku jiray, ay ugu yeereen inuu ku soo biiro Ururkaasi.

“Taasi way cadahay Saalax inuu galay Al Shabaab, uuna is qarxinaayo amaba inuu dad dilaayo, meesha uu galay ayaaba sidaa ahayd. Maanta maba cusbo haddii la yiri waa uu is qarxiyay. Waala filaayay in la dhaho wuu is dilay iyo waala dilay intaba. Mar haddii uu mabda’aasi qaatay.” ayuu mar kale yiri Ex Xildhibaan Budul.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here