SAWIRRO:- Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Qado Sharaf ugu Sameeyey Bahda Qoraaga Soomaliyeed

0

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta 27 July, 2016 qasriga Madaxtooyada Garoowe waxa uu qado sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyey bahda qoraaga Soomaaliyeed oo ay weheliyeen qoraayo shisheeye ah oo ay ka mid yihiin Dr Georgi Kapchits iyo Prof Lidwein.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa bahda qoraaga kusoo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe, isla markaana ku amaanay sida ay dedaalka ugu bixiyeen inay soo saaraan buugaag ku qoran afkeena hooyo ee Soomaaliga.

Waxaa sidoo kale qado sharafta ka qayb galay masuuliyiinta machadka cilmi barista ee SIDRA oo uu hogaaminyay agaasimaha machadkaas Guuleed Saalax Barre iyo xubno kale, waxaana kulanka qado sharafta oo qaatay saacado badan lagu soo qaaday sida ay muhiim u tahay in loo istaago tayaynta afka Soomaaliga iyo in la dhiiri geliyo bahda qoraaga Soomaaliyeed.

Bahda qoraaga Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah ayaa Garoowe kaga qayb geli doona munaasabadda bandhiga buugaagta caalamiga ah ee Garoowe, munaasabaddaas oo ay si wada jir ah u qaban qaabiyeem machadka SIDRA iyo shirkadda daabacaadda buugaagta ee Scansom , isla markaana looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa qoraalka loona abuuri lahaa hab dhaqan horseedi kara in dadka Soomaaliyeed lagu dhiiri geliyo inay wax qoraan waxna akhriyaan, taasoo keenaysa in aqoonta bulshada Soomaaliyeed ay kobocdo.

IMG_0358 IMG_0361 IMG_0367 IMG_0375 IMG_0391 IMG_0393 IMG_0411 IMG_0462 IMG_0489 IMG_0510 IMG_0542

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here