Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Somali-land oo ku Dhaawacmay Shil Gaari oo ka Dhacay Gobolka Awdal

0

Taliyaha Qeybta Booliska  Gobolka Awdal Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin, Taliye Ku-xigeenkiisii   gaashaanle Raage Muuse Dirir iyo darwal  Boolis dable Maxamed Sugge Muumin ayaa ku dhaawacmay shil gaari ay ku gaaleen deegaan ku yaala Gobolkaas.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Saylac kabtan Xasan Cabdisalaan Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in dhaawacyo culculis ay soo gaareen saraakiisha ciidamada Booliska Somali-land isla markaana aan wakhtigan laga warbixin karin laakiin ay u qaadeen dhanka degmada Saylac xarunta Gobolka Awdal.

“Shilkaa gaari  wuu  jiraa waxaana ku dhaawacmay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Awdal iyo Taliye ku-xigeenkiisa iyo darawalkoodii waxayna ku jireen taliyeyaasha dhaawacmay iyo Guddoomiyaha gobolkuba kormeer shaqo oo ay ku soo marayeen deegaano badan oo ka  tirsan gobolkaas,”ayuu yidhi Gudoomiyaha  Saylac.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here