Wareegto kasoo baxay Xafiiska Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa lagu magacaabay Taliyaha Cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Soomaliya.
Gaashaanle Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa loo magacaabay xilka cusub ee Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowlada Soomaliya, Koofi wuxuu horay u soo noqday Taliyaha Nabad Suggida Gobolka Banaadir.
Xilkaan cusub ee loo magacaabay Gaashaanle Maxamed aadan Jimcaale (Koofi) waxaa horay u hayn jiray Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud oo hada ah Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyeed kadib markii xilkaas lag qaaday C/raxmaan Tuur Yarre.

