Hogaamiyaha Midowga Afrika ahna madaxweynaha wadanka Chad Idriss Deby ayaa sheegay in iskaashi ay la sameynayaan ururkooda wadamada carabta si looga wada hortago waxa loogu yeero Argagixisada.
Idriss Deby ayaa tilmaamay in wadamada Carabta iyo kuwa Afrikaba ay si wadajir ah ay ugu hor tagi karaan weerarada ay ka fuliyaan wadamada afrika iyo kuwa Carbeed.
waxa uu kaloo tilmaamay hogaamiyaha Ururka midowga afrika ahna madaxweynaha Chad iyo wadamada Xasaradaha ka jiraan ay suura gal tahay in ciidamo mideysan ay ku wajahaan wadamada afrika iyo kuwa Carabta.
Tusaale ahaan ayuu usoo qaatay wadanka Soomaaliya oo ay ka dagaalamaan Al-Shabaab, Nigeria, Chad iyo wadamada dariska ah oo ay weeraro ka fuliyaan Boko Haram iyo wadamada carabta oo ay qaraxyo iyo weeraro ka fuliyaan Kooxda Daacish.
Midowga Afrika ayaa qorshaynaya in ay sameystaan ciidamo ay la wadaagayaan wadamada Carbeed inkastoo ay jiraan wadamo kawada tirsan labada dhinac.

