Xarakada Al-shabaab oo Xukun Dil ah ku Fulisay Wiil Dhalinyaro ahaa

0

Wararka ka imaanaya  Deegaanka Buulo Fulay oo ka tirsan Gobolka Baay, ayaa ku waramaya in Xarakada Al Shabaab in dil toogasho ah  ay fulisay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Bashiir Janow Xasan , kaasi oo da’diisa lagu sheegay 20-sano jir.

Dilka Bashiir ayaa yimid kadib markii maxkamada Shabaabka ee Gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaliya  ay dil ku xukuntay, iyadoo maxkamada ay sheegtay horay inuu dil u geystay Bashiir.

Bashiir ayaa lagu eedeeyay inuu dilay Cabdi Majiid Macalin Maxamuud, uuna ku dilay meel ku dhaw Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waa sida ay xukmisay Maxkamadda Shabaab-ka ee Gobolka Baay.

Deeganada Al-shabaab ay ka arimiyaan waxaa laga fuliyaa falalka dilalka, gacan goynta, iyo Xukuno kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here