Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo Dhigiisa Turky-ga Recep Tayyip Erdogan kala Hadlay Afgambigii Dhicisoobay

0
CUMHURBASKANI ERDOGAN VE ABD BASKANI BARACK OBAMA TELEFON ILE KONUSURKEN

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama ayaa talaadadii shalay wuxuu qadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isagoo kala hadlay afgambigii dhicisoobay ee habeenkii jimcaha  ka dhacay dalkaas.

Madaxweyne Obama ayaa u sheegay dhigiisa dalka Turkiga Mareykanka inuu bixin doono gar gaar ku aadan sidii baaritaano adag loogu sameyn lahaa dadkii ka dambeeyay afgambigaasi, wuxuu hadalkiisa ku daray Madaxweynnaha Mareykanka in dalkiisa uu diyaar u yahay in si toos ugu qeyb qaato baaritaanada lagu sameynayo dadkii ka dambeeyay afgambigaas.

Labada hoggaamiye, ayaa sidoo kale ka wada hadley codsiga Turkiga ee ku aaddan in loo so gacan geliyo wadaadka Turkigu uu ku eedeynaayo in uu ka dambeeyay isku dayga afgembiga dhicisoobey ee Fethullah Gulen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here