Donald Trump oo Loo Doortay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka 

0

Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka  ayaa Ninka maalqabeynka ah ee Donald Trump u doortay inuu noqdo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas, u matalaya doorashada dalkaas ka dhici doonto Bisha November.

Shirweynihii Xisbiga kaga socday Maalmihii dambe Magaalada Claveland ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka , ayaa kalsooni buuxda lagu siiyay Mr Donald Trump  inuu noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.

Kadib markii loo doortay Mr Donald Trump   in uu Noqdo Musharax  xisbiga Jamhuuriga waxa uu yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay sida kalsoonida leh ee aad iigu doorateen inaan noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, waan soo dhaweynayaa kalsoonidiina, weyna isii kalsooni gelinaysaa.”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here