Taliyaha Cusub ee Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee gobolka Shabeellaha dhexe Dhame Cabdulqaadir Cabdullaahi Xaayoow ayaa xilkiisa la wareegay kadib markii dhawaan askari ka Tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida uu toogtay Taliyihii Nabad Sugida Gobolkaas Cabdiwali Ibraahim.
Taliyaha cusub ee ciidanka NISA ee Gobolka Shabeeaha dhexe Cabdulqaadir Cabdullaahi Xaayoow ayaa xilal ka duwan ka soo qabtay hay’adda, isagoo haddana ay horyaallaan howlo badan oo la xiriira sugidda amaanka Gobalka Shabeellaha Dhexe, oo ah halka lagu qabanaayo shirka Maamul u sameynta Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe.
Mudane Cabdulqaadir Cabdullaahi Xaayoow Taliyaha Cusub ee Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa isla xalay Magaalada Jowhar ka Bilaabay Howlgal lagu xaqiijinaayay amaanka xaafadada Magaaladaas.
Dhame Xaayoow ayaa xilkan si rasmi ah waxaa loogu soo magacaabay kadib markii Magaalada Jowhar lagu dilay bishii 21 June lagu dilay Cabdiwali Ibraahim oo ahaa Taliyihii nabadsugidda Gobalka Shabeellaha Dhexe. askarigii dilkii ka dambeeyay waxaa lagu xukumay dil Toogasho ah.

