Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maana ka daah furey Garoonka Kubada Cagta Banaadir Stadium ee degmada C/casiis Tartanka ciyaaraha kubada cagta ee maamulka goboleedyada dalka.
Xaflad Furitaanka waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya waxaa amaanka Garoonka Kubada Cagta Banaadir Stadium ayaa aad loo adkeeyay waxaa goobta ku sugnaa ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom.
Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo furitaanka hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay in lagu farxo ay tahay in Magalada Muqdisho lagu qabto sanado kadib Tartanka ciyaaraha kubada cagta ee maamulka goboleedyada dalka.
Tartankan oo bedelay ciyaarihii gobolada dalka ee xiligii berisamaadkii lagu qaban jiray dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya lix kooxood oo ku ciyaaraya magaca maamulada dalka kuwaasoo loo kala qeybiyey labo Guruub oo kala ah:-
Guruub-A
Puntland
Banaadir
Koonfur Galbeed.
Guruub B.
Jubbland.
Galmudug
Shabellaha Dhexe/Hiiraan.
Kooxda gobolka Banaadir & Kooxda Koonfur Galbeed ayaa fooda isku daray ciyaartii furitaanka tartankan, waxayna soo bandhigeen ciyaar aad u xiise badan oo raali gelisay kumanaan dadweyne oo soo camiray garoonka, iyadoo ciyaarahan toos looga daawanayey qaar ka mid ah baraha xiriirka bulshada sida facebook.
Sagaashankii daqiiqo ee loogu talo galay ciyaartaan ayaa ku soo dhamaatay 5-0 oo guushu ay ku raacday kooxdii ku ciyaareysay magaca gobolka Banaadir oo marti galiyaasha ah.























