Ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa maanta weerar gaadmo ahaa waxa ay ku qaadeen kolonyo milatari oo ka tirsan ciidamada Kenya oo ay wehelinayeen kuwo Soomaali ah deegaanka lagu magacaabo Qododo oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Busaar ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Ciidamada Huwanta ahaa oo ka yimid dhanka Magaalada Busaar ayaa la sheegay in qarax miino uu qabsaday mid kamid ah gaadiidkooda dagaalka waxaa intaas kadib xigay dagaal dhexamaray Al-shabaab, ciidamada Kenya iyo kuwa Soomalida ee wehlinayay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen 2-askari oo ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya inkastoo Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya ay sheegeen in Ciidamada Al-shabaab sidoo kale dagaalka lagu dilay askar.

