Munaasabad lagu xusaayo Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa maanta lagu qabanayaa qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya iyo caasimada Muqdisho.
Waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan munaasabadahaas mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaliya sida ururka shaqaalaha soomaliyeed , wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumada soomaliya, xildhibaanoo, iyo qaar kamid ah golaha wasiirada Xukuumada soomaliya.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Mudane Maxamed sheikh Cusmaan (Jawaari) oo ku hadlaayay Magaca Guddoonka sare ee Baarlamanka soomaliya ayaa dhamaan shaqaalaha Soomaliyeed hambalyo u direy.
Sanad walba maanta oo kale ayaa laga Xusaa maalinta Caalamiga ah ee 1 Maay oo ah maalinta shaqaalaha aduunka.

