Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in askari ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya uu gudaha degmadaas ku dilay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya.
Dilka Sarkaalka, ayaa wuxuu yimid ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay ninka askariga ah, taasoo keentay in ugu dambeen uu askarigaasi uu rasaas ku furay Sarkaalkaasi. Ciidanka Dowladda waxay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan askarigaasi.
Dhanka kale Wararka qaar ee soo baxaya ee idaacada simba halayso ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ahaa dable isla markaana uu muran soo kala dhaxgalay askari falka dilka ah geystay, iyo isaga.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo idaacada simba la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay askariga falka dilka geystay isla markaana uu haatan ku xiran yahay saldhiga degmada baardheere.

