Taliye ku-xigeenka Bolice-ka Puntland S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax “Ereg” oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa fariin u diray Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfurta Somalia, taasi oo la xiriirta sababta keentay in dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Somalia ay u fuliyaan weerarada lagu beegsado dadka shacabka iyo masuuliyiinta maamulka Puntland.
Taliyaha waxa uu sheegay in aysan jirin bartilmaameed gaar ah oo lagu hayo dadka kasoo jeeda kooonfurta dalka soomaliya gaar ahaan Gobolada Bay iyo Bakool ee ku nool deegaanada puntland, balse laamaha amniga ay ogaadeen kadib baaritaano ay sameeyeen in dadka kasoo jeeda gobolada Bay iyo bakool iyo yihiin dadka fuliya falalka amni daro ee ka dhaca deeganada Maamulka Puntland.
Hadalka kasoo yeeray Taliye ku-xigeenka Bolice-ka Puntland S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax “Ereg” ayaa kusoo beegamaya xili dhawaan qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug mas’uuliyiinta puntland ay sheegeen in uu fuliyay qof kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool.

