Maxkamada Sare ee ciidanka qalabka sida ayaa xukuno ku riddey Afar ruux oo loo haystay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo 28-kii Bishii February,
Afar-ta ruux ee loo haystay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa lagu xukumay dil toogasho ah madaama maxkamada laga cadeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii dadka badani ay ku dhinteen ee ka Magaaladaas ka dhacay.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow oo dhawaan gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay xukunka Afartaasi ruux inuu yahay dil toogasho ah.
Ragga la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), C/ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed iyo sidoo kale ruux Shanaad oo gacanta Maxkamada ka maqan oo isagana dil lagu xukumay.
Dhanka kale Maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida ee dowlada soomaliya waxa ay xukuntay isla saakay C/qaadir Cali Maxamed oo hal sano lagu xukumay, eediisa waxa ay aheyd sida la sheegay Garaashkii Qaraxyada laga soo abaabulay inuu ka shaqeynayay.
Intaas kadib Maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida ayaa xukun dil ah waxa ay sidoo kale ku riddey askari ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya oo la sheegay in nin ganacsade ahaa uu ku dilay Gudaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

