Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi gaar ahaan deegaan la yiraahdo Huruma ayaa sheegaya in gabi-ahaanba uu soo dumay Guri lix dabaq ka koobnaa oo ku yaalay deegaankaas.
Saraakiisha Booliska waxa ay shegeen Afar ruux inay ku geeriyodeen Darbiga soo dumay, xilli dadkaan Darbiga Dabaqa gabaad ay kaga dhiganaayeen Roobabkii ka da’ay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ururka Laanqayrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegay in la baadi-goobayo dad ku hoos jira wali dhismaha madaama waxa soo dumay ay ahaayeen lix dabaq.
Sawiro laga soo qaaday Dabaqa soo dumay ee ku yaalay deegaanka la yiraahdo Huruma ee dalka Kenya ayaa muujinaaya in si xun uu u dumay dabaqa, isla markaana ay hay’ada gar-gaar ay wadaan samatabixinta dadka ku waxyeelooway dabaqa soo dumay.



