Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa AMISOM oo La Wareegay Deegaano ka Tirsan Shabeelaha Dhexe.

0

Ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga afrika ee Amisom ayaa la wareegay gacanta ku haynta  Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Deeganada ay ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa midowga afrika ee amisom ay la wareegeen waxaa kamid ah Runirgood, Nuurdugle, Masaajid Cali gaduud.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeganada ay ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ay la wareegeen uusan ka dhicin waxa dagaal ah.

Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab ayaa la sheegay in ay ka baxeen saacado ka hor deeganada ay la wareegeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa midowga afrika ee  amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here