Ciidamada Uganda ee Soomaliya ku Sugan oo ka Cabanaya Mushahar La’aan

0

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga afrika ee amisom ayaa ka cabanaya mushaar La’aan xiligaan soo wajahday

Paddy Ankunda oo ah afhayeenka ciidanka difaaca Uganda oo warbaahinta Uganda la hadlay ayaa sheegay In  afartii bilood aynu soo dhaafnay ciidamada Uganda ee ku sugan soomaliya aysan helin wax mushaaraad ah sidaas darteed ay midowga afrika kala hadli doonaan arrimaha mushaaraadka ciidanka Uganda ee ku sugan soomaliya.

“Midowga Afrika ayaanu arintaa  kala xaajoonaynaa. Waxaana rajaynaynaa in xal loo heli doono arinta oo askarta gunadooda la siin doono,” ayuu yiri Paddy Ankunda oo ah afhayeenka ciidanka Uganda.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Midowga yurub uu dhawaan ku dhawaaqay in uu jaray 20% dhaqaalihii uu siin jirey amisom , Midowga Africa ayaa dhanka kale sheegay in ay wada-xaajood ka sameyn doonaan arrimaha lacagaha la dhimay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here