Dhageyso:-Booliska Maamulka Puntland oo Xabsiga Dhigay dad Tahriibayaal ahaa

0

Taliska booliska maamulka Puntland qeybtiisa Gobolka Bari ayaa ka warbixiyay Tahriibayaal la gaarsiiyay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari kadib markii laga soo badbaadiyay biyaha badda Cas.

Gaashaanle sare C/xakiin Yuusuf Xuseen Taliyaha qeybta booliska Gobolka Bari ee maamulka Puntland oo la hadlay idaacada simba ee magaalada Muqdisho aya sheegay in dhamaan dadkii la keenay Magaalada Boosaaso ee Tahriibayaasha ahaa in loo taxaabay Xasbiga weyn ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

“ku Dhawaad 92-ruux ayaa la keenay Magaalada Boosaaso oo Tahriibayaal ahaa waxaa loo taxaabay xasbi ku yaala Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari madaama maamulka puntland oo dhawaan sheegay in deeganada maamulkaas laga mamnuucay tahriibka.

Dhanka kale Gaashaanle sare C/xakiin Yuusuf Xuseen Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa tilmaamay in hooyo uur laheyd  ay kamid aheyd dadkii tahriibka ahaa ee lasoo qabtay ayna isla maanta u mushay.

Gaashaanle sare C/xakiin Yuusuf  Xuseen ayaa digniin u direy dadka ka shaqeeya tahriibka wuxuuna sheegay in talaabo sharciga waafqsan  laga qaadi doono shaqsiyaadka dadka tahriibiya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here