Kooxda arsenal ayaa shaaciysay in uu bartilmaameedkeeda kowaad yahay xili ciyaareedka dambe daafaca kooxda Roma Kostas Manolas.
Daafaca dhexe ee kooxda Roma ayaa bartilmaameed waxaa xili ciyaareedkaan ka dhiganayay kooxda Horyaalka dalka ingiriiska ka ciyaara sida Chelsea, Everton iyo Manchester United, kadib bandhigiisa horyaalka dalka Talyaaniga.
Macalinka kooxda arsenal Arsene Wenger ayaa dhankiisa sheegay in xidiga heerka caalami ee xulka dalka Gree-ka ee Kostas Manolas uu yahay laacib soo jiitay dhamaan taageerayaasha arsenal sidaas darteed ay kooxda u doonayso.

