Macalinka kooxda Totenham Mauricio Pochettino ayaa sheegay in uu diyaar u yahay heshiis cusub uu kusii joogayo kooxda Tan iyo sanadka 2021-ka.
Ninka reer argentine oo qabtay kooxda Totenham xili ciyaareedkii 2014-kii ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay lala xiriirinaayay kooxda dalka Faransiiska ka ciyaarta ee Paris Saint-Germain.
Macalinka Mauricio Pochettino ayaa is badal weyn ku sameeyay kooxda Magaalada London ka dhisan iyadoo xili ciyaareedkaan ku jirta kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka dalka ingiriiska waana markii ugu horeysay ay wacdarahaan sameenayso kooxda Spurns.

