Macalinka kooxda Manchester United Louis van Gaal. Ayaa cadeeyay in ciyaartooda kooxda Manchester aysan u ogalaan doonin kooxda Leicester City in ay horyaalka kula dabaal dagto garoonka Old Trafford
Claudio Ranieri kooxdiisa ayaa u baahan kaliyah hal Guul si ay u xaqiijiso hanashada horyaalka dalka ingiriiska ayna u noqoto kooxdiisa ku guuleystayaasha horyaalka dalka ingiriiska xili ciyaareedka 2015/2016.
Kooxda Manchester United ayaa dhankeeda xili ciyaareedkaan u dagaalamaysa sidii ay ugu soo bixi laheyd ciyaaraha Champions League xili kaalinta sedexaad ay ku dagaalamayaan kooxda Manchester City iyo Arsenal.
“Manchester United ma ogolaan doonto in Leicester City horyaalka kula dabaalgto garoonka Old Trafford. Ayuu yiri Louis van Gaal

