Wafdigaan Ka socda Urur goboleedka IGAD ayaa Maanta oo Khamiis ah lagu waramayaa in ay ku wajahanyihiin Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud,ujeedka wafdiga ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii looga wada hadlilahaa dhibaatooyinka Ciidanka Liyuu Boolisku ay k wadeen waqtiyadii lasoo dhaafay Deegaanka Daac-dheer ee Gobolka Galgaduud.
Warkan waxaa Idaacadda Simba u Xaqiijiyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Maamulka Galmudug Kuwaasi oo diiday in magacooda iyo Codkooda u adeegsanno warbaahinta.
Wafdiga ayaa Magalada Cadaado kula kulmidoona Masuuliyiinta Maamulka Galmudug State kadibna ay ugsii gudbaan Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethoipia,sii loosoo afjaro dagaalada deegaanadaasi kasocda.
Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa ay warbixin ka dhageysandoonaan guddi dhawaan loo xil Saaray in ay wax kasoo ogaadaan Dhibaatooyinka Ciidanka Ethoipia ay u geysteen Shacabka lagu laayey Deegaanka Dac-dheer ee Gobolka Galgaduud.

