Xildhibaan Cabdi Xaashi Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Radio Simba ayaa waxaa uu sheegay in ka xildhibaanno ahan ay u diyaarsanyihiin in ay kula xisaabtamaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirada ku jira Maamulkiisa dagaalkii ka dhacay deegaanada Dac-dheer iyo Waliba Kaxandhaale oo ka mid ah deegaanada Gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in dagaalka halkaa ka dhacay aan lagu tilmaamikarin dagaal beeleed balse uu yahay sida uu yiri duullaan ciidanka Ethiopia ay kusoo qaadeen deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan deegaanno ay daganaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo uu sheegay in dhibaatooyin dhinacyo badan ah y u geysteen Ciidamada halkaa weeraray.
Gudiyada Xuquuqul insaanka iyo kan Xuduudka iyo amniga ee baarlamaanka Galmudug ayuu sheegay in looga baahanyahay in ay soo tirakoobaan dhibaatada halkaa ka dhalatay kadibna ay warbixin ka horjeediyaan baarlamaanka si uu baarlamaanka ula xisaabtamo madaxda iyo wasiirada Maamulka Galmudug.
“Waan la xisaabtameynaa waana shaqadeenna oo Baarlamaanku waxaa uu u dhisanyahay la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee Maamulka,Dac-dheer shacab ayaa lagu dhibaateeyey mana la isaga haraayo illaa caddaaladda la isla tiigsado.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi Jaamac oo ka mid ah golaha Wakiilada Maamulka Galmudug state oo la hadlay Radio Simba.
Ciidamada itoobiya ayaa dhibaatooyin xooggan maalmihii lasoo dhaafay ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

