Sida dowladda masar ay sheegtay waxaa socdo howlo dib dalka looga soo celinayo dhalinyaro tahriibayaal Soomaaliyeed ah kuwa oo lagu Qabtay Xeebaha dalkaasi iyagoona isku dayaya in ay u tahriibaan wadamada Yurub.
Dadkaan oo tiradooda ay gaaraysa 180 ruux ayaa isugu jiray Soomaaliya, eretariyaan iyo waliba Ethiopian dhamaantood waxa ay ku xiran yihiin Xabsiga Buxayra ee ku Yaala masar.
Mas’uuliyiin Katirsan Ciidamada Amaanka masar ayaa sheegay in dadkaani ay soo qab-qabteen iyagoo kusii socda magaalo xeebeedka Alexandria ee dalka Masar.
“Sharciga Masar ee kaga degsan dadka tahriibayaasha ayaa ah in ugu horeyn la xiro dadka tahriibayaba iyo waliba kuwa wax tahriibinaya, kadibne waxa aynu bilaawnaa in aynu kala soocno una kala saarno kuwa sharciga heysta iyo waliba kuwa aanan sharciga heysan, marka ay noo kala cadaatane waxa aynu dib dalkooda ugu celinaa kuwa aanan sharciga heysan” sidaana waxaa yiri mas’uul Katirsan dowladda Masar.
Wadanka masar ayaa dhawaan waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya ku dhawaad in kabadan 200-ruux oo Soomaali u badnaa.

