Gaadiidleyda Degmada Wadajir oo lacago xad dhaafa la dul dhigay.

0

Gaadiidleyda ka howlgasha degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay qeyla dhaan xooggan ka muujinayaan lacago xad dhaaf ah oo ay sheegeen in uu kusoo rogay Maamulka degmadaasi.

Mid ka mid ah gaadiidleyda ka shaqeeya degmadaasi ayaa u sheegay Radio Simba in Maanta Ciidamo ka socda Maamulka degmada wadajir ay ku wargaliyeen dhammaan gaadiidleyda dhaxmara degmadaasi laga rabo min 100$ ( Boqol dollar ) toban bari kadibba.

Lacagahaasi ayuu sheegay in aysan awood u lahayn bixinteeda maadaama uu sheegay in aysan maalinkiiba aysan iyaga intaa soo galin isagoona meesha ka saaray baahi xilligaan lacagtaasi loogusoo dallaco.

Darawalkaan oo sii hadlaya ayaa sheegay in ay bixiyaan maalin kasta lacag gaareysa 2$ ( Laba dollar ) oo uu sheegay in aysan ogeyn waxa lagu qabto isklamarkaana ay bixiyaan canshuurta loogu talagalay in ay bixyaan,waxaa uu sheegay in lacagtaan loogu sheegay in lagu bixinaayo lacago deyn ah oo sida masuuliyiinta maamulku sheegeen lagu dhisay wadada xaafadda Buula-xuubeey ee degmada wadajir.

Dhinaca kale waxaa uu baaq u diray masuuliyiinta sarsare ee Maamulka Gobolka Banaadir in arintaan ay soo faragaliyaan haddii kale oo arintu ay sii socoto ay meesha uu ka baxaayo adeeggiii ay u hayeen shacabka gaadiidkana ay ku shaqeyntiisa joojindoonaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here