Cali Baashi:- Dowladda Xasan Shiikh Way ku Fashilmatay Xaqiijinta Amaanka Dalka

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe Cali Baashi Oo Wareysi Dhinacyo Badan Tabanaya siiyay Warbaahinta Simba ayaa waxa uu kaga hadlay doorashooyinka dalka sanadkaan ka dhacaya.

Mudane Cali Baashi ayaa ka Hadlay xilka uu mar labaad u tartami doono Madaweynahe Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan shaaciyay in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaliya kadib markii uu xilka madaxweynaha soomaliya ku guuleystay sanadkaan 2012-kii.

Madaxweyne ku Xigeenka Ahlusuna Waljameeca Cali Baashi Ayaa Sheegay in Mada xweynaha Soomaliya Xasan sheikh maxamuud uusan xiligaan u qalmin u tartamida doorashada soomaliya taasi badalkeedana loo baahan yahay in lagala xisaabtamo waxa uu qabtay mudadii uu xilka hayay.

“Dowlada uu Hogaaminyo Madaxweyne Xasan sheikh Maxmauud waxa ay ku fashilmatay xaqiijinta amaanka caasimada iyo Gobolada dalka Soomaliya arag rag hubeysan ayaa maalin cad waxa ay weerar ku qaadayaan Madaxtooyada soomaliya oo ah halka loogu arimiyo dowlada soomaliya.

Madaxweyne Ku Xigeenka Ahlusuna Waljameeca Cali Baahi oo sii Hadlaya Ayaa Waxa uu Soo Hadal Qaaday Doowlada Dhexe ee Soomaaliya Iyo Ciidanka AMISOM Dagalada Ay Kula Jiraan Ciidanka Al Shabaab Waxaana uu Sheegay In Dowladu Ay Masuul ka Tahay In Soomaaliya ay Kasii Dagalamaan Ciidamo Katirsan Al Shabaab Isagoo Taasi sabab uga Dhigay In Maalmo Cad Ay al-Shabaab Weraraan Xarumaha Ugu Muhimsan Doowlada Soomaaliya .

Dalka soomaliya waxaa sanadkaan 2016-ka ka dhici doona doorashooyinka iyadoo Madaxweynaha xiligaan xilka haya uu shaaciyay in uu mar kale u tartami doono doorashada Madaxtinimo ee soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here