Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan ka yeelanaya Sidii wax looga qaban lahaa Dhibaatooyinka Colaadeed ee ka Taagan Gobalka Shabeelaha Hoose oo Maalinba maalinta ka Danbeysa sii Xumaanaysa.
Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose sida Deegaanka Buulo-Mareer waxaa Maalmihii ugu Dambeeyey ka jirtay Xiisad Dagaal oo u Dhexeysay Beelo Walaalo ah oo Wadaga deegaankaas taasi Saameyn Dhinacyo badan leh ku yeelatay Dadka Rayadka ah ee ku Nool Gobalka Shabeelaha Hoose.
Xildhibaan Cabdulaahi isaaq Maxamuud oo ah Xildhibaan ka Tirsan baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa tagi doonaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaanada ay ku dagaalamayaan ciidadamada meleeshiyo beeleedka wada daga Gobolkaas.

