Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay shaqaalaha ay dowlada Dhexe ee Soomaliya u direyso dalka Sacuudiga arintaas oo dad badan ay Su’aalo ka keeneen.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in hablo oo keliya aanay Dowladda Somaliya shaqaalo ahaan ugu direynin dalka Sacuudi Carabiya, balse ay isugu jiraan rag iyo dumarba.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Dowlada dhexe ee soomaliya ay qaadi doonto Mas’uuliyada dhibaato kasta oo shaqaalaha Soomaaliyeed kasoo gaarta Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya.
Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa tilmaamay in dhibaatooyin badan ay la kulmi jireen gabdhaha soomaliyeed marka ay galayaan dalka Sacuudiga balse haatan heshiis dhaxmaray labada dowladood ay ku tagayaan dalka sacuudiga iyagoo aanan la kulmeenin dhibaatooyin,
Mudane Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya ayaa dhanka kale sheegay in dowlada Soomaliya ay ka shaqeyn doonto sidii sharciyo ay u heli lahaayeen soomalida ku sugan dalka Sacuudiga iyo kuwa haatan la geyn doono.
Madaxweynaha, ayaa bulshada Somaliyeed ku eedeeyay inay dacaayadeynayaan Gabdhaha ay Dowladda Somaliya u direyso dalkaasi, iyadoo ay ka masuul tahay dhibaato kastaa oo ka soo gaarta,

