
Dowlada talyaaniga ayaa sheegtay in ciidanka badda ee ilaalada xeebaha ay soo heleen meydad gaaraya lix qof oo ku dhintay dooni ku dagtay inta u dhaxeysa talyaaniga iyo dalka masar.
wakaalada warar ee dalka talyaaniga ayaa shaacisay in lixdaan ruux meydadkooda laga helay badda madatiriiniyamka oo isku xirta badda talyaaniga iyo masar.
Waxaa warka talyaaniga kasoo baxay lagu yiri “ciidanka ilaalada talyaaniga waxa ay badbaadiyeen 108 ruux oo 5 ka mid ah ay haween yihiin kuwaasi oo iskugu jira tahriibayaal soomaali ah, Ethiopia, iyo Eretria.
Afar doomood oo kasoo baxay xeebta Alexandria ee dalka masar oo ay la socdeen 400 oo tahriibayaal u badan soomaali ayaa waxa ay ku dagtay badda u dhaxeysa talyaaniga iyo masar.
