Wararka haatan naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in kulankii xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya uu ku soo dhamaaday Buuq iyo Sawaxan,
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamanka soomaliya Jeylaani Nuur Iikar oo furay Fadhiga Baarlamaanka, ayaa Xildhibaanada u sheegay Ajandaha Baarlamaanka inuu ka kooban yahay Qodobadan.
1:Furitaanka Aayadaha Qur’aanka Kariimka.
2: Ansixinta Ajandaha.
3:U codeynta Mooshinka hakinta Maamul u sameynta Labada Gobol “Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe.
4: Dooda Hindise Sharciyeedka Lagu dhisaayo Axsaabta Siyaasada.
5: Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Ka hortagga Walxaha Qarxa.
6: Akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Argagaxisada ku wargelin La tashiga Maamulada Gobolada.
Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ee diidan mooshinka ku saabsan hakinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ayaa dalbaday in ajendaha laga saaro mooshinka shirka Jowhar ka Furan.
Sidoo kale xildhibaanada taageersan mooshinka laga keenay shirka Magaalada Jowhar ayaa kasoo horjeystay in ajendaha laga saaro mooshinka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.
Intaas kadib Guddoonka Baarlamanka ayaa ku dhawaaqay in uu xiran yahay kulanka Baarlamanka soomaliya madaama Buuq iyo Sawaxan uu hareeyay Fadhiga.

