Wafdi ka Socda Dowlada Imaaratka Carabta oo Booqday Xerooyin Barakacayaal ah oo ku Yaalo Muqdisho.

0

Dowlada imaaratka  Carabta ayaa wafdi  u soo dirtay soomaaliya kuwaasi oo booqday xerooyin ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ku yaalo magaalada muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya Mohammed Hamdan Al Zari oo ah madaxa hay-ada gargaarka ee dalka imaaratka ee loo yaqaan SCI.

Waxaa ay booqdeen dhoor xarumood oo kuwa Barakacayaasha ah  oo ku yaalo magaalada muqdisho iyagoona la kulmay 1,500 oo qoys .

Wafdigaan ayaa sheegay in maalmaha dhaw ay deeq gargaar u qeybin doonaan qoysaskaasi ay la kulmeen ee ku jira xarumaha barakacayaasha ee muqdisho.

Imaaratka ayaa waxaa uu ka mid yahay deeq bixiyaasha caalamiga ah  ee taageera soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here