Munaasabado lagu xusaayo sanadguuradii 56-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabanayaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya.
Madaxda ugu sareysa dowlada soomaliya sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, Xildhibaan, saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galaya sanadguuradii 56-aad ee ciidanka xoogga dalka soomaliyeed. oo lagu qabanaayo xarunta wasaarada Gaashaandiga dowlada soomaliya.
Inta ay munaasabada socoto ayaa lagu soo bandhigi doonaa heeso ka turjumaya ciidanka xoogga dalka soomaliyeed iyo guulo ay gaareen qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka soomaliyeed.
Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana xalay Magaalada Muqdisho lagu arkayay qaar kamid ah ciidamada dowlada soomaliya oo baaritaan ku sameenaya gaadiidka kala duwan.
Qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaliya ayaa sidaan oo kale loogu qabanayaa Sanadguurada 56 aad ee Ciidamada Xoogga Soomaliyeed oo maanta ku beegan.

