Saraakiisha ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen hub iyo xubno ka tirsanaa al-shabaab oo ku sugnaa guri ku yaala Gudaha Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland C/raxmaan Xaaji abshir oo warbaahinta Magaalada Garoowe kula hadlay ayaa sheegay in kadib baaritaan laga sameeyay guri lagu soo wargaliyay laamaha amniga in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan al-shabaab ay baaritaankaas kusoo qabteen hub iyo xubno sar sare oo ka tirsanaa al-shabaab.
C/raxmaan Xaaji abshir waxa uu sheegay in guriga laga soo qabtay ragaan ay la wareegtay Puntland isla markaana dhawaan saxaafada lasoo bandhigi doono ragaan iyo waxa ay shaqadooda aheyd.
Maamulka Puntland ayaa maalmihii dambe waday howlgal lagula dagaalamayay al-shabaab kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay xeebaha deegaanada Maamulka Puntland.

