Tarsan:-Madaxda Dowlada Soomaliya Waxa ay Lumiyeen Maqaamkii Caasimada Muqdisho+Dhageyso

0

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamud axmed Nuur Tarsan oo wareysi siiyay idaacada simba ayaa ka hadlay shirka loogu hadlaayo doorashada oo dhawaan ka Furmay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Maxamud axmed Nuur Tarsan Gudoomiyihii Hore ee  Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa  ugu horeyn ka hadlay qilaafka ka taagan halka lagu qabanaayo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-Ka, Dhaliil ayuu usoo jeediyay madaxda dowlada soomaliya.

“Madaxda dowlada soomaliya waxa ay lumiyeen Maqaamkii Caasimada dalka taasi ayaa keentay in hogaamiyaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira ay ku doodaan in doorashada lagu qabto meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Hadalka Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamud ayaa kusoo beegamaya xili qilaaf uu ka taagan yahay halka Lagu qabanaayo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa ku doodaya in doorashada lagu qabto meel amaan ah.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here