Midowga Africa oo Hambalyo u direy Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed.

0

Taliska Howl galka Amisom ee midowga Afrika  ayaa hambalyo sare u diray ciidamada xooga dalka oo maanta ay ku beegan tahay sanad guuradii 56aad xiligii la aasaasay ciidamada xooga dalka soomaaliya.

Taliska Howlgalka ayaa sheegay in ay farxada la wadaagayaan ciidamada xooga dalka oo ay ku sheegeen in ay yihiin geesiyaal waxbadani ka qabtay anmaanka dalka soomaaliya.

Hadal kasoo baxay  saraakiisha Amisom ayaa lagu yiri “waxaan aad u soo dhaweyneenaa sabnad guuradii 56aad ee ciidamada qaranka soomaaliya oo manta u dabaaal dagaya munaasabada aasaasitaankii ciidankaasi”.

Amisom ayaa intaasi raacisay in ay si weyn iskula shaqeeyaan ciidamada xooga dalka soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta midowga afrika oo dagaal kula jira Al-shabaab.

Ciidamada xooga dalka soomaaliya ayaa maanta waxaa ay u dabaal dagayaan sanad guuradii 56aad oo kasoo wareegatay markii la aas aasay  14-kii April  maanta oo kale sanadkii 1960-kii.

Source:Amisom twitter

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here