Qarax ismiidaamin ah oo ka Dhacay Maanta Magaalada Cadan ee dalka Yemen.

0

Qarax ismiidaamin ayaa ka Dhacay magaalada cadan ee dalka yemen maanta oo talaada ah.

Ugu yaraan 4 qof ayaa qaraxaan ismiidaaminta ah ku dhintay  sida goob joogayaal ay u sheegeen warbaahinta.

Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa ka dhacay agagaarka garoonka kubada cagta ee magaalada cadan koonfurta dalka yemen.

inta la xaqiijiyay 8 ruux oo kale ayaa qaraxaan ku dhaawacantay oo dhamaan dad shicib ah.

Goobjoogayaal ayaa wakaalada wararka ee dalka mareykanka AP u sheegay in afarta qof ee qaraxa ku dhimatay uu ku jiro qofkii isa soomiidaamiyey.

Qaraxaan ismiidaaminta ah ayaa imaanaya iyadoo labada dhinac ee dowlada yemen iyo xuutiyiinta ay shalay ku dhawaaqeen in xabad joojintii qaramada midoobe ay tixgalinayaan oo xalay saqdii dhexe dalka yemen ka dhaqan gashay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaan balse magaalada cadan ee dalka Yemen oo uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gacanta ku haya dowlada ka amar qaadata madaxweyne cabdi rabbu mansuur haad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here