Faroole:- Waxaan ka Digayaa in Baarlamanka Cusub ee Soomaliya ay Soo Xulaan Rag Musharixiin ah

0

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo haatan ah musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha  doorashada soomaliya ka dhacaysa ayaa ka digay in Baarlamaanka cusub ee imaan doono ay soo xulaan rag Musharaxiin ah oo u taagan qabashada hogaanka dalka.

Siyaasiga C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa tilmaamay in hadii loo baahan yahay baarlamaan wanaagsan in baarlamanka  lasoo xulaayo laga madaxbanaaneeyo raga u taagan qabashada hogaanka dalka.

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ku baaqay in baarlamanka cusub uu dalka yeelanayo iyo howlihiisa soo xulista in loo madax banaaneeyo odoyaasha dhaqanka soomaliyeed.

Madaxda dowlada soomaliya  iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa maanta  isku raacay qaabka loo wajahaayo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka kadib shir maalmo socday ay ku yeehsteen Magaalada Muqdisho.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here