Madaafiic iyo dagaallo goos-goos ah oo ka socda Sh.Hoose.

0

Dagaallo iyo duqeymo goos-goos ah oo u dhexeeya Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhinaca iyo Kuwa Al-shabaab ayaa lagusoo waramayaa in hadda ay ka socdaan qeybo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaaladu ay ka socdaan deegaanno hoos yimaada deegaanka Jannaale ee Gobolka shabeelaha hoose.

Dadka ku nool deegaanadaasi ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan dhawaqa rasaasta iyo hubka la isku adeegsanayo oo daryankiisa laga maqlaayo deegaanada ka ag dhaw goobaha lagu dagaalamayo,waxaana la ogeyn qasaarha rasmi ahaan ka dhashay dagaalka iyo madaafiicda hadda socota.

Waxaa lagusoo waramayaa in dadkii dagganaa goobahaasi ay barakaceen horraan si markaasi aysan ugu waxyeeloobin dagaalada halkaa ku dhaxmaraya Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabab.

Shacabka ku nool shabeelaha hoose gaar ahaan deegaanad lagu dagaalamayo ayaa waxaa ay iyagu ka cabanyaan xilligan in markii ay dhibaato weyn ay u geystaan madafiicdaasi ay isweedaarsanayaan dhinacyada halkaa ku dagalamaya iyagoona sheegay in qasaare kala duwan ay kasoo gaareen dagalada madafiicdu barbar socoto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here