Faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Sh.hoose.

0

Wararka aan ka helayno deegaanno hoostaga gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in goor dhaw halkaa ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo sida la sheegay lagu weeraray xarumo Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanada Gobolka Sh.hoose.

Weerarka ayaa la xaqiijiyey inuu ka dhacay Tuulo la yiraahdo Kaaytooy oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Jannaale ee Sh.hoose  waxaana deegaankaasi gacanta ku haya dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab,wararka ayaa intaa ku daraya in weerarkaa uu qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo garay Xarakada Al-shabaab sida ilo kala duwan oo aan la xariirnay xaqiijinayaan,waloo aan wali si dhab ah loo hubin qasaaraha rasmiga ah ee weerarkaasi ka dhashay.

Waxaa Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose oo aan la hadalnay ay sheegeen in shabaabka halka la duqeeyey ku sugnaa ay ku jiraan sida ay hadalk u dhigeen Masuuliyiin sarsare oo ka mid ah Shabaabka sha.hoose ka dagaalama.

Ma jirto Cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan diyaaradaha loo adeegsaday ee ka dhacay tuulooyinkan ka tirsan Sh.hoose,balse Shalay iyo Maanta ayaa waxaa deegaanada Gobolkaasi ka socday Madaafiic iyo dagaallo toos ah oo ay is weedaarsanayaan Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here