MD.Xasan Sheekh”Waan Bixinnay Daymihii Caalamku nagu lahaa”.

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arimaha la xariira xiriirka beesha Caalamka iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ku dhaqaaqday waddada hormarka sida uu yiri Madaxweynaha dalka islamarkaana soomaaliya ay lasoo noqotay maqaamkii ay ku lahayd Caalamka.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya tan iyo Markii uu isagu xafiiska la wareegay ay juhdi galiyeen sidii dowladda Soomaaliya ay u bixin lahayd lacagaha daymaha ah ee dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin wadamada Caalamka.

Arinta daymaha waxaa uu sheegay madaxweynaha in dowladdu ay qorshe u dajisay islamarkaana ay bixisay inta badan lacagihii Soomaaliya lagu lahaa sida uu yiri Xasan Sheekh Maxamuud,walina ay waddo dowladdu bixinta inta ku harsan ee daymaha ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa uu hadlkiisa raaciyey in Soomaaliya ay taagantahay Maanta meel ay macaamiltan dhinacyo badan leh ay kula sameynkarto wadamada adduunka,taasi oo uu sheegay in ay ku timid dadaalka dowladdu ay ugu jirto in ay kusoo celiso kalsoonida beesha Caalamka.

“Waan u dhaqaaqeynaa dhinaca hormarka,Soomaaliyana Maanta waa dowlad awood u leh in heshiiskay rabto ay la gasho saaxiibada ay danuhu ka galaan ama ay kala dhexeeyaan” ayuu yiri Madxweyne Xasan Sheekh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here