Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa ka hadlay caqabadaha ka hortaagan magacaabista Golaha wasiirada cusub ee Maamulka Juba-land.
Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo warbaahinyta la hadlay ayaa sheegay in arinta ugu weyn ee culeyska keentay inay tahay in Gobolada Jubbooyinka aanan laga sameynin wax dib u heshiisiin ah, taasina ay tahay caqabada hortaagan magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulka Jubbaland.
“Arrimaha iga hortaagan in aan magacaabi waayo Golaha wasiirada Juba-land waa in Gobolada Jubbooyinka aanan laga sameynin wax dib u heshiisiin ah, hadii arinta dib u heshiisiinta Goboladaas lagu guuleysto way Fududaanaysaa Magacaabista Golaha wasiirada ayuu Yiri Madaxweyne axmed Madoobe.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan uu ku dhawaaqi Golaha wasiirada Juba-land ayna ugu badnaan doonaan dhalinyaro kasoo jeeda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed wuxuu ka sheegay Xaflada lagu soo xiray Kalfadhiga Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo Xildhibaanada ay galeen fasax.

