Dowlada Ukraine ayaa xabsiga dhigtay muhaajiriin soogalooti ah oo ay ka sooqabteen ciidanka ilaalada dalkaasi xadka uu la wadaago Slovakia.
Dadkaan muhaajiriinta ah ee dowlada Ukraine soo qabatay ayaa gaaraya tira ahaan 19 ruux kuwaasi oo doonayey in dalkaasi ay kaga sii gudbaan dalalka kale ee midowga yurub sida dalka jarmalka.
Wargeyska Ukraine today ayaa sheegay in dadkaan muhaajiriinta ah laga soo xiray magaalada Chop oo ku taalo xuduudka u dhaxeeya Ukraine iyo dalka Slovakia.
Dalalka ay dadkaan ka kala yimaadeen ayaa lagu sheegay Afghanistan, Somalia iyo Pakistan .
Dowlada Ukraine ayaa ku eedeeysay in ay si sharci dara ah uga gudbayeen xadka uu la leeyahay dalkaasi slovakia.
5 ruux ayaa lagu sheegay soomaalida maanta lagu xiray Ukraine in ay gaarayaan kuwaasi oo dhamaan rag ah.

