Midowga Yurub oo ku Dhawaaqay in ay Jarayaan Lacagaha ay Siiyaan Ciidanka Amisom ee ka Socda Burundi.

0
FILE - In this Oct. 20, 2011 file photo, African Union peacekeepers are seen in the Deynile district of the capital Mogadishu, Somalia. Intensified fighting in Somalia has underscored that tiny Burundi, one of only two African nations contributing troops to a peacekeeping force in the anarchic nation, is bearing a heavy burden with dozens of its soldiers reportedly killed in recent clashes. (AP Photo/Ali Bashi, File)

Midowga yurub ayaa sheegay in gabi ahaamba ay joojinayaan ciidanka Amisom ee ka socda dalka Burundi lacaga ay u qaateen mushaaradka lacagahaasi oo ay bixiyaan ururka midowga yurub.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa midowga yurub ay ku go’aamiyeen sidoo kale  in howl-galka  Amisom laga joojiyo ciidanka ka socda dalka Burundi ee nabad ilaallinta u jooga soomaaliya.

Midowga yurub ayaa talaabadaan ay ciidanka Burundi kaga joojinayaan howl galka Amisom ku sheegay in lagu cadaadinayo dowlada madaxweyne Pierre Nkurunziza oo lacago badan ka hesha howlgalka Amisom ee nabad ilaalinta kaasi oo ka socda dalka soomaaliya.

Pierre Nkurunziza ayaa midowga yurub ay ku eedeeyeen in uu diiday in mucaaradka dalka Burundi uu wada hadalo la yeesho si loosoo afjaro colaadaha mudada ka jira dalkaasi Burundi.

Burundi ayaa soomaaliya ay ka joogaan ciidan gaaraya 5,400 oo ka mid ah howl-galka Amisom .

Midowga yurub ayaa sanad walba siiya dowlada Burundi lacag dhan 13 million oo dollar oo ay ku heleyso howlgalka Amisom owgiis.

Waxaa kaloo midowga yurub ay sigaar ah mushaar ugu siiyaan ciidanka ka socda Burundi ee gaaraya 5,400 lacago gaaaraya 52,million oo dollar.

Sidoo kale halkii askari ayaa mushaar ahaan u qaata bishii $.1,800

Howlka Amisom oo ay ka qeyb qaadanayaan 22,000  oo askari ayaa dalka Burundi waxaa uu ka mid yahay dalalkii ugu horeeyey ee ciidan u soo diray soomaaliya bilowgii sanadkii 2008-dii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here