Faransiiska oo Qabatay Hub Loo Soo Waday Gudaha Soomaaliya .

0

Ciimada ilaalada Faransiiska ee jooga xeebaha soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub aad u Fara badan oo loo soo waday Gudaha soomaaliya.

Ciidanka waxaa ay sheegeen in hubka ay qabteen uu iskugu jiro qoryaha daran dooriga u dhaca iyo kuwa boobayaasha ah , rasaas tira badan oo u badan kuwa ka dhaca qoriga AK-47.

Ciidanka ilaalada Faransiiska ee xeebaha soomaaliya jooga ma aysan sheegin tirade uu la egyahay hubkaan iyo cida loo waday toona.

Admiral ka tirsan ciidanka faransiiska ee jooga xeebaha soomaaliya ayaa sheegay in ay dhawaan soo bandhigayaan cadadka uu la ekyahay hubkaan marka ay soo idleeyaan baaritaan uu sheegay in ay hubkaan ku wadaan.

Saddex todobaad kadib ayaa hubkaan uu imaanayaa qabashadiisa iyadoo ciidanka ilaalada Australia ee jooga xeebaha soomaaliya ay iyagana qabteen markab kaluumeysi oo lagu soo qabtay hub badan oo loo waday Al-shabaab.

Qaramada midoobe ayaa soomaaliya saartay cuna qabateenta hubka oo wali dalka saaran.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here