Ciidamada Nabad sugida dowlada Soomaliya ayaa saakay aroortii waxa ay Gudaha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku qabteen gaari Noociisa uu yahay kaarib oo waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen.
Taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo idaacada Simba la hadlay ayaa sheegay in ay ka warqabaan gaariga waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen ee saakay lagu qabtay degmada Hodan balse ay arintaas ku quseeso Taliska Nabad sugida dowlada soomaliya.
Ciidamo ka Tirsan kuwa Nabad sugida dowlada soomaliya ayaa saakay gaari waxbaaha qarxa ay saarnaayeen waxa au ku qabteen Madaxtooyadii hore ee C/qaasim ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir waxa uu dhanka kale sheegay in ciidamada Booliska Gobolka Banaadir in ay gacanta ku dhigeen gaari uu watay shaqsi soomali ah oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa oo marayay wadada sayidka ee magaalada Muqdisho. Dhawaana ay soo bandhigi doonaan.

