Saraakiisha ciidanka dalka Kenya ayaa sheegay in guulo laga gaaray howl galkii ka socday magaalooyinka xeeebaha dhaca oo lagula dagaalamayey Al-shabaab.
Waxaa ay Kenya sheegtay in ay howl galka la soo afjaray oo laga gaaray hadafkii laga lahaa kaasi oo ay ku sheegeen in lagu wiiqay awoodii aL-shabaab ee magaalooyinka xeebaha ku yaala.
Howl galkaasi oo ay ka qeyb qaadanayeen ciidamo badan oo Kenyaan ah ayaa waxaa uga baxay qarashad badan.
Howlgalka ayaa ka socday magaalooyinka dhanka xeebta ku yaalo sida Lamu, Boni iyo magaalada Mombasa.
Bilowgii howlgalka ayaa dowlada Kenya ay sheegtay in ay ku baacsaneyso A-lshabaab badan oo ku sugnaa dhanka xeebaha maadaama ay Kenya sheegtay in halkaasi laga soo abaabulo weerarada ka dhaca dalka Kenya.

