Nabad Sugida Galmudug:- Waxaan Gacanta ku Dhignay Ajaanib ka bar bar Dagaalamaysay Al-Shabaab

0

Taliska Nabad Sugida Gobolka  Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Saddex ruux oo Ajaanib ah oo ka bar bar dagaalamaysay Shabaabkii weerarka ku qaaday deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda NISA ee qaybta Deegaanada Galmudug, Saadaq Cumar Xasan, ayaa shaaciyay in saddexdaan nin la qabtay shalay, kadib howlgalo ciidamada ay ka sameeyeen Deeganada Bariga Mudug.

Taliyaha Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda NISA ee qaybta Deegaanada Galmudug Saadaq Cumar Xasan,  waxa uu sheegay in ay jiraan ajaanib kale oo shabaab ka tirsaneed oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay Bariga Gobolka Mudug.

“Howlgalku wali dhulka Xeebaha ayuu ka socdaa 12 Maxaabiis cusub ah ayaan soo qabtay waxaa ka mid ah sadex nin oo ajaanib ah labo waa Kenyan Midna Waa Tanzanian, ayuu Yiri Taliyaha Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda NISA ee qaybta Deegaanada Galmudug, Saadaq Cumar Xasan, oo la hadlay wakaalada wararka Sonna.

Maamulka Galmudug ayaa Guulo ka sheegtay dagaalkii ka dhacayay Maalmihii dambe bariga Gobolka Mudug kadib markii ay deeganadaas weerar ku qaadeen rag ka Tirsan al-shabaab oo horey ugu soo dagaalamay dhanka xeebaha Maamulka Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here