Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta lagu waramayaa inuu ku wajahanyahay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaanno,Wasiirro iyo Siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana lagu waramayaa in ujeedkoodu uu yahay qancinta Odayaasha iyo waxgaradka reer Hiiraan oo iyagu qaadacay waanwaan Dowladda Soomaaliya ay ka waddo in dib loo bilaabo shirka Maamulka loogu dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo waxgaradka gobolkaasi ay diideen in ay ka qaybgalaan ka dib Markii sida ay sheegeen ay dhaliil dowladda ay u gudbiyeen wax laga qabanwaayey.
Madaxweynaha ayaa waxaa uga horeeyey Magaalada Baladweyn RW Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali oo isago Isbuucaan dhamaadka ah bilowgiisii tagay Magaaladaasi waloow uu soo laabtay isagoon wax natiijo ah kasoo gaarin ujeedkii uu Baladweyn u tagay oo ahaa qancinta Odayaasha iyo Shacabka reer Hiiraan ee Cabashada ah.
Lama oga sida Madaxweynaha Soomaaliya oo isna dhawr mar ku fashilmay qancinta Odayaasha cabashada ah sida uu hadda u qancinkaro,waxaana hadda garoonka diyaaradaha Kusii sugaya Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan,Kan dagmada Baladweyne iyo Masuuliyiin kale.

